Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo dhagax dhigay Dhismaha Saldhigga Booliska Deegaanka Masagawaa

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Xildhibaam Cabdirisaaq Aadan Warsame, Xoghayaha Wasaaradda Gaashaandhiga Yuusuf Cali, Wasiirka howlaha guud ee Galmudug Axmed Washiton iyo Gudoomiyaha Deegaanka Masago’weyn Ismaaciil Cabdullahi Xuseen ayaa Deegaanka Masagowaa ee Degmada Galcad Gobolka Galgaduud ka dhagax dhigay Saldhig Booliska oo dhawaan laga hirgelinayo.

Munaasabadda Dhagax dhigga Xaruntaa Amni ayaa meesha ka saaraysa baahida ay Dadka Deegaanku u qabeen helidda Adeegyada Dowliga ah, si meesha looga saaro caqabadihii dhinaca Garsoorka iyo Amniga la xiriiray oo ay qabeen Bulshada Deegaanka Masagawaa ee Degmada Galcad.

Gudoomiyaha Degmada Galcad Mudane Ismaan Sheikh Axmed Cariif ayaa sheegay in Bulshada Deegaanka Masagowaa ay baahi weyn u qabeen dhismaha Xarun Boolis, isagoona uga mahadceliyay Taliyaha ciidanka Booliska booqashadiisa iyo qiimeynta Amniga Masagowaa.