Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania, taas oo ujeeddadeedu tahay xoojinta Xiriirka laba geesoodka ah iyo Iskaashiga u dhexeeya labada Dal ee Walaalaha ah.
Markii uu gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Nouakchott, Wasiir-Dowlaha waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Muwaadiniinta Mauritania ee Dibadda, Mudane Maxamed Saalim Ould Merzoug, iyo Danjiraha aan deganayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Mauritania, Danjire Yuusuf Jeego.
Booqashadani ayaa ah tii ugu horreysay ee Wafdi Soomaaliyeed oo heer Wasiir ah uu booqasho rasmi ah ku tago Magaalada Nouakchott, taas oo ka tarjumaysa Xiriirka sii xoogeysanaya iyo Iskaashiga sii kobcaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mauritania.

