Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan iswaafajinta arrimaha Amniga, xasilinta iyo xalalka waara, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa isu keenay Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saaxiibbada Caalamka iyo Daneeyayaasha muhiimka ah, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta Iskaashiga, iswaafajinta mudnaanta Qaranka iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta la xiriirta Amniga, xasilinta iyo hirgelinta xalal waara oo Soomaaliya ka hanaqaada.

