Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

uqdisho(Wargeyska Dalka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaasi uu uga qeyb galayo Caleema Saarka Hoggaamiyaha iyo Guddoonka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoonka Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, Xubnaha Golaha Wasiiradda heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.