Argagixisada Al-Shabaab oo bur buriyay garoonka diyaaradaha Buula-burde

Ururka aragaxisada Al-shabaab ayaa Qaraxyo miino ah ku xiray garoonka diyaaradaha degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan, waxaana jira khasaaro kala duwan ay qaraxyada geysteen.

Qaraxyada oo lagu xiray dhisme cusub looguna talagalay dadka ka dhoofaya ama ka soo dagaya garoonka inay sii maraan ayaa gabi ahaanba dhulka lagu daray.

Guddoomiyaha degmada Buula-burde Axmed Mahad Nuur ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shan qof ay ku dhaawacmay Qaraxyo ay Al-Shabaab ku xireen dhisme ku yaalo Garoonka diyaaradaha degmada, kuwaas oo dhaawacooda loo soo qaadayo Muqdisho.