Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, taas oo booqasho iyo sagootin ugu timid, iyada oo ay ku beegnayd dhammaadka muddo xileedkeedii diblomaasiyadeed.
Wasiir Cabdisalaan ayaa ku ammaanay Safiir Francesca Di Mauro doorkii iyo shaqadii ay ka soo qabatay gudaha Dalka Soomaaliya, waxa uuna ugu hambalyeeyay magacaabisteeda cusub ee Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Adeegga Hawlaha Dibadda ee Midowga Yurub (EEAS).
Sidoo kale, waxa uu Wasiirka uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada iyo iskaashiga joogtada ah ee uu la leeyahay Dowladda Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sheegay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta Iskaashiga labada dhinac, isagoo sidoo kalena u rajeeyay in ay guul iyo horumar ka gaarto xilkeeda cusub.



