Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Fannaan Cabdullaahi Maxamuud Cabdulle (Boqol),oo ka tirsanaa Fanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.
Allaha u naxariistee Marxuumka waxa uu ka mid ahaa Fanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda sida aadka ugu shaqeeyey wacyi gelinta iyo baraarujinta Umadda Soomaaliyeed waxaana uu ku geeriyooday Xalay Muqdisho
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud ayaa Marxuumka Alle uga baryey naxariistiisa jano in uu siiyo, inagana samir iyo iimaan Alle inaga wada siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

