Howlgal Qorsheysan oo Lagu Bartilmaameedsaday Argagixisada

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Farsoleey.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda khawaarijta Al-Shabaab, waxaana warbixinnada hordhaca ah lagu xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood, halka 20 kalena lagu dhaawacay. Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay xarumo iyo goobo ay kooxdu u adeegsan jirtay abaabulka iyo qorsheynta falalka amni-darrada.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sii wadi doonaan howlgalada lagu ciribtirayo argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

FB_IMG_1783232700830.jpg