Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka

Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan la yeeshay Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Caleema-saarka.

 

Kulanka ayaa lagu dhageystay Warbixin ku saabsan heerka uu marayo diyaar-garowga Munaasabadda, iyadoo Guddigu ay soo bandhigeen qorshayaasha la xiriira qabanqaabada, soo dhoweynta martida, sugidda Amniga iyo howlaha kale ee muhiimka u ah qabsoomidda Munaasabadda.

Hoggaamiyaha iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa bogaadiyey dadaalka Guddiga, iyagoo ku adkeeyey in la dardargeliyo howlaha haray si Munaasabadda Caleema-saarku ugu qabsoonto si habsami leh oo heer sare ah.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu xoojiyey muhiimadda Iskaashiga Hay’adaha Dowladda iyo guddiyada kala duwan si loo xaqiijiyo in Munaasabaddu u dhacdo si wanaagsan, isla markaana ay ka tarjumeyso Midnimada iyo Horumarka Dowladda Koonfur Galbeed.

 

FB_IMG_1783160672642.jpgFB_IMG_1783160687847.jpg