Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Dowladda Talyaaniga, Mudane Matteo Piantedosi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.
Kulanka waxaa Wasiirka Amniga Gudaha ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Xasan Shire, kuwaas oo ka qeyb galay wada-hadallada iyo munaasabadda saxiixa heshiiska.
Kadib wada-hadallo miro-dhal ah, labada Wasiir ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, tababarrada Ciidanka Booliska, la-dagaallanka argagixisada, horumarinta hay’adaha amniga, iyo arrimaha socdaalka.
Heshiiska ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta barnaamijyada waxbarashada iyo tababarrada xirfadeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, tayeynta iyo kobcinta aqoonta tababarayaasha Soomaaliyeed si ay iyaguna u tababaraan ciidamada kale, is-weydaarsiga saraakiisha iyo booqashooyinka waxbarasho, iyo is-dhaafsiga khibradaha, aqoonta, iyo hababka ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo hay’adaha amniga.
Labada dhinac ayaa adkeeyey in heshiiskani uu ku saleysan yahay ixtiraamka shuruucda labada dal iyo waajibaadka caalamiga ah, isla markaana uu gacan ka geysan doono xoojinta awoodda hay’adaha amniga, sare u qaadidda xirfadaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyo kor u qaadidda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, iyo la-dagaallanka khataraha amni ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga.

