Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ka daahfuray qaadashada kaarka Doorashada Qof iyo Codka ah.
Daahfurka qaadashada kaarka maanta waxaa lagu bilaabay Guddoomiyaha Degmada Xarardheere, Caseyr Ibraahim waxaana munaasabadda daahfuray Agaasimaha Doorashooyinka Gobolka Galmudug, Mudane Mahad Xasan Warsame.






