Agaasimaha Isbitaalka Lansereti oo la kulmay Danjiraha Talyaaniga

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Forlanini/lansereti Dr.Maxamed Jacfar Cali oo kulan la qaatay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya isagoo gudoonsiiyay Abaalmarin Sharafeed.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Forlanini, Dr. Maxamed Jacfar Cali, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, H.E. Pier Mario Daccò Coppi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka iyo adeegyada uu bixiyo Isbitaalka Forlanini, iyadoo Agaasimuhu uu Safiirka uga warbixiyay howlaha socda, mashaariicda horumarineed iyo dhismaha qaybaha cusub ee isbitaalka, gaar ahaan Qaybta Caafimaadka Dhimirka ee Haweenka iyo Qaybta Hooyada iyo Dhallaanka.

Safiirka Dowladda Talyaaniga ayaa bogaadiyay hoggaanka iyo dadaallada Agaasimaha Guud ee horumarinta Isbitaalka Forlanini, isagoo xusay in Dowladda Talyaanigu ay mar walba garab taagan tahay Isbitaalka Forlanini, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siiso.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo Dowladda Talyaaniga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Isbitaalka Forlanini iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu dambayn Safiirka guddoonsiiyay Abaalmarin Sharaf loogu muujinayay mahadnaq iyo qaddarin.