Ciidanka XDS oo Shabeellada hoose ku dilay 27 dhagarqabe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa 1-dii iyo 2-dii Luulyo 2026 fuliyay duqeymo is xig-xigay oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen malleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji ee gobolka Shabeellada hoose.

 

Duqeymahaas ayaa lagu dilay 27 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka labaatameeyo lagu dhaawacay.

 

Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaadiid, hub, saanad ciidan iyo fariisimo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab illaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.