Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Türkiye, oo duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha F-16 ka fuliyay Deegaanka Godey

WAR-SAXAAFADEED ka soo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa lagu sheegay in Ciidanka oo kaashanaya Ciidamada Jamhuuriyadda Türkiye, ayaa Subaxnimadii Maanta duqeymo loo adeegsaday Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka fuliyay Deegaanka Godey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo bartilmaameedsaday Godad, kayd Hub iyo Goobo gabbaad u ahaa Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

 

Duqeymaha ayaa lagu dilay ku dhowaad 35 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka in ka badan 20 kale ay soo gaareen Dhaawacyo Culus.Duqeymaha kaddib, Goobta la beegsaday waxaa ka dhacay Qaraxyo waaweyn oo is xig-xigay, kuwaas oo muujinaya inay ahayd meel loo adeegsado kaydinta Hubka, Walxaha Qarxa iyo saanadda cadowga.

 

Goobta waxaa sidoo kale ku sugnaa Maleeshiyaad iyo Gaadiid laga buuxiyay Walxaha Qarxa, kuwaas oo loo diyaariyay fulinta falal Argagixisanimo oo lagu waxyeelleeyo Shacabka Soomaaliyeed.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka Argagixisada.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.