GANACSIGA KU DHISAN ISKAASHIGA IYO SAAMIYADA EE SOOMAALIDA

Tan iyo markii dalka ay ka dhaceen dagaaladu dalka somaaliya ee ay burburtay dowladdii dhexe waxaa dalka aad uga hirgalay ganacasi ku dhisan iskaaashi iyo in ay dadku koox koox wax isugu darsadaan taas oo suurtagalisay in ay soo baxaan ganacsoyo iyo shirkado qaarkood aad u koreen oo aflaxay .

Ganacsigan oo ah nooca saamileyda oo qofku saami ku darsanayo ganacsi ama shirkad ayaa sidoo kale suurtagaliyey in qofku marka uu xoogaa lacag ah dad ku darsado loogu shaqeyn karo isagana uu ka helo biil bil walba u soo dhaca taas oo qoysas badan ka furatay dhibaatada shaqo la’aantii jirtay.

Ganacasigan iskaashi oo aad dalka ugu baahay ayaa inta badan waxaa lagu tiriyaa in uu ka soo banbaxay markii ugu horreysay shirkado yar yar oo badankoodu ku yaallay suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya .

Shirkado fara badan oo sidaas ku sameysmay itaalkooduna aad u yaraa ayaa maanta gaaray heer wanaagsan oo ay dalka wax badan ku soo kordhin karaan.

Haatan dadka soomaalida ah ha joogeen dalka gudihiisa iyo dibediida waxay awood u yeesheen in ay wax ku darsan karaan saamiyada shirkadaha waaweyn oo dalka ka jira taas oo aad u xoojisay niyadda iyo rajada dadka soomaaliyeed ee qaarkood laga yaabo in ay ku adkaan laheyd in ay sameystaan ganacasiyo ay keligood wadaan.

Tani waxay ka soo jeedaa oo saldhig u ah soomaalida oo aad u taqaana hannaanka wax isku darsiga siiba dhaqaalaha oo weli la heli karo hannaan kan saamiga ka yara sahlan oo loo yaqaano hagbadda ama ayuutada kaas oo inta ku wada jirtaa ay sameystaan shuruuc ay ku wada dhaqmaan oo ay wax isugu darsadaan .

Hannaankan oo qof waliba mar uu qaatao ayaa in go’an oo dhaqaale ah uu qof waliba bixiyaa haddii ay tahay bi lama toddobaad wuxuuna qofku lacagahaa kaga faa;ideysan karaa baahiyaha degdega ah ee soo wajaha iyo culeysyada soo foodsaara.

Hannaankan saamileyda iyo wax ku darsiga ganacsiyada iyo shirkadaha ayaa kor u qaaday dhaqaalaha guud ahaan iyo kan qoysaska iyadoo ay soo baxeen ganacsiyo iyo shirkado waxgal ah oo sidaas ku sameysmay.

WQ: Mohamed Hassan