Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay laba kiiloomitir, taas oo Dowladda Hoose ee Muqdisho ka hirgelisay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Munaasabadda xarigga looga jarayay waddada ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan.
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ay laf-dhabar u tahay koboca dhaqaalaha, horumarka bulshada iyo casriyeynta caasimadda. Waxay sidoo kale caddeeyeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sii wadidda hirgelinta mashaariicda lagu horumarinayo waddooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah.
Waddadan cusub ayaa la filayaa inay si weyn u fududeyso isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha, isku xirto xaafadaha degmada, korna u qaaddo dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka ah. Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ku casriyeynayso waddooyinka iyo adeegyada bulshada ee caasimadda.




