BADBAADINTA AKHLAAQDA SHARAFKA INTA DAWLADDU GUDATAY IYO KAALINTA BULSHADA

Waqtiyadan dambe, waxaa isa soo taraya dhacdooyin ka baxsan anshaxa bini’aadantinimada iyo qiyamka suuban ee Islaamka, kuwaas oo lagula kacayo qaar ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed.

In kasta oo falka dhibaatada xambaarsan ee lagula kaco gabadha uu yahay mid cambaarayn mudan, haddana waxaa barbar taagan xaqiiqo biyo-kama-dhibcaan ah in qaar ka mid ah gabdhaheennii sharafta lahaa ay ka weecdeen wadaddii toosnayd ee dhaqanka Soomaalinimo iyo hiddaha Islaamka.

Maalmihii u dambeeyey, waxaa baraha bulshada iyo fagaarayaasha ku soo kordhay eedaymo iyo dhaleecayn loo jeedinayo dawladda, kuwaas oo la xiriira doorkeedda ku aaddan wax ka qabashada falalka anshax-xumada ah.

Si kasta oo ay u jiraan saluug dhanka qaar ka mid ah shacabka ka yimid, haddana runtu waxay tahay in dawladdu ay si dhab ah u gudanaysay mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga iyo anshaxa guud, iyadoo qaadday tallaabooyin sharciga ah oo lagu ciqaabay dadka ku kacay falalka xadgudubka ah.

Hay’adaha amniga waxay wajahayaan caqabad weyn oo uga imaanaysa qaybo bulshada ka mid ah, kuwaas oo ku doodaya in dawladdu ay ku xadgudubtay xorriyadda shakhsiga ah ee dhalinyarada, waxaana cad in dadkeennu ay gabi ahaanba ka gaabiyeen garashada xadka u dhexeeya xorriyadda qofka iyo ilaalinta bedqabka akhlaaqda Qaranka.

Dawladdu kaligeed ma noqon karto ilaaliyaha anshaxa haddii aanay helin taageerada qoyska iyo bulshada, waxaana khaldan in dhib kasta oo dhaca dusha laga saaro hay’adaha amniga oo kaliya.

Si loo fahmo asalka dhibaatadan xadhkaha goosatay, waxaa lagama maarmaan ah in la is-dhaafiyo mas’uuliyadda, lana dul-istaago saddexda tiir ee kale ee ugu muhiimsan.

1.Marka hore, waalidiinta ayaa ah laf-dhabarta barbaarinta saxda ah, waxaana muuqata in ay jirto gaabis weyn oo dhanka kormeerka iyo ilaalinta ubadka ah.

Sidaas darteed, waalidiintu waxay dusha kasaaran mas’uuliyadda koowaad ee dayacaadda keentay in hablihii ay ku dhiiradaan waxyaabo ragaadinaya mustaqbalkooda.

2.Marka xigta, gabadha Muslimadda ah waxaa laga rabaa inay noqoto mid dhowrta nafteeda, kuna kalsoon xishoodka iyo xijaabka hufan, waayo ragga iyo dumarku isku cawro iyo isku xeer ma aha dhanka dhowrsanaanta.

Waxaan marar badan marag ka nay gabdho si khaldan u adeegsanaya baraha bulshada, iyagoo duubaya muuqaallo qaawan oo ka baxsan asluubta, kana hadlaya arrimo ka baxsan anshxa suuban oo dhaawacaya sharafteeda, tii qoyskeeda, iyo tan guud ee qaranka Soomaaliyeed.

Ilaalinta xadka ay gabadhu la leedahay ragga ajnabiga ah waa gaashaan ka hortaaga dhibaatooyin badan oo qarsoon iyo kuwo muuqda.

3.Dhanka kale, culumada diinta iyo aqoon-yahanka bulshada ayaa iyaguna eed ku leh arrintan, waxaana muuqata inay ka gaabiyeen la-dagaallanka iyo ka-wacyigelinta xumaanta cusub ee bulshada ku soo korortay, iyadoo aanay u baahnayn kaliya in la cambaareeyo dhibka dhacay, ee ay tahay in la bixiyo casharo iyo khudbado si joogto ah u toosinaya dabeecadaha guud ee dhallinyarada.

Maahmaahda Soomaaliyeed ee faca weyn waxay leedahay.

Gabadhi waa hilib bisil.” Ereybixintani ma aha mid hoos u dhigaysa haweenka, balse waxay muujinaysaa sida ay gabadhu ugu nugushahay khatarta haddii aan la dhowrin. Hilibka bisil haddii aan la asturin, waxa uu soo jiitaa dullinka iyo raga damaca xun ee raadinaya fursad ay ku xadgudbaan.

Si looga baaqsado falal ka fool-xun kuwa hadda dhacay, waa in dawladda lagu taageeraa shaqadeeda, gabadhu is-asturto, waalidku xil iska saaro barbaarinta, culumaduna ay u istaagto dacwada iyo toosinta hab-dhaqanka bulshada.

Waxa Qoray: Mohamed Abdi Osman Faradheere

Agasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS