Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qayb galay xafladda qalin-jabinta Akadeemiyada Boliiska ee dalkaas

Ankara- Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed ayaa ka qayb galay xafladda qalin-jabinta Akaademiyada Booliiska ee Jamhuuriyadda Türkiye, taas oo uu ka soo qayb galay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

 

Xafladda waxaa sidoo kale ku qalin-jabiyay arday Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dufcadda maanta dhamaysatay tababarka Booliiska.

Danjiraha ayaa ardaydaas ugu hambalyeeyay guushan muhiimka ah, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda, adkaysigooda iyo sida sharafta leh ee ay dalkooda ugu mataleen Türkiye.

 

Danjiruhu wuxuu ardaydaas u rajeeyay guul iyo mustaqbal wanaagsan, isagoo ku dhiirrigeliyay inay aqoontooda iyo tababarkooda uga faa’iideeyaan Qaranka Soomaaliyeed