Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Hambalyo ku aaddan Munaasabadda Qiimaha badan ee 26-ka June ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi la wadaagtay guud ahaa Shacabka Soomaaliyeed, Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Madaxa Bannaan. Wasaaradda Shaqada XFS ayaa sidoo kale ku wargelisay dhamaan Hay’adaha Dowladda, kuwa aan Dowliga ahayn iyo kuwa gaarka loo leeyahay in Maalinta Sabtida oo ay Taariikhdu ku began tahay 27-ka June ay fasaxanyihiin,maadaama uu Xeerku qabo in haddii uu Maalinka fasaxu ku aado Jimcaha loo raro Maalinta xigta.

