Dhuusamareeb (Wargeyska Dalka): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa safar shaqo kusoo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad-Goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu Maalmaha soo socda ku sugnaan doono.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa si diirran usoo dhoweeyay Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo qeybaha kala duwan Bulshada.
Safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa daarran xoojinta Dowlad-dhiska , isaga oo inta uu joogo Magaalada Dhuusamareeb kulammo la qaadan doona Hoggaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.







