Danjiraha JFS ee Sacuudi Carabiya oo la kulmay ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Waliid Al-Khuraiji.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta Iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si loo sii adkeeyo danaha Wadajirka ah ee Labada Dal ee Walaalaha ah.