Baydhabo,(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo kadib Safar shaqo oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Hoggaamiyaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan Guddoonka Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka iyo Degmada, Saraakiisha Amniga, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Hoggaamiyuhu wuxuu kulamo la yeeshay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada Beesha Caalamka.
Kulamadaasi waxay diiradda saareen xoojinta Iskaashiga, dardargelinta Mashaariicda Horumarineed, iyo Horumarinta Adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada ku nool Deegaannada Koonfur Galbeed.
Safarka shaqo ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo dardargeliyo Horumarka, Nabadda, iyo Adeegyada Bulshada ee Deegaannada Maamulka.




