Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-Xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka Suubaan ee Islaamka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa wada hawlgallo lagu ciribtirayo Anshax-Xumada iyo falalka lidka ku ah Dhaqanka Suubban ee Islaamka iyo Akhlaaqda wanaagsan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Howlgalladan ayaa lagu soo qabtay laba Eedaysane oo lagu eedeeyay inay si joogto ah Baraha Bulshada, gaar ahaan TikTok, ugu baahin jireen Muuqaallo Anshax-Xumo ah.

Eedaysanayaasha ayaa loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si loogu qaado Tallaabooyinka Sharciga waafaqsan.

Sidoo kale, Ciidamada Booliska ayaa baadi-goob ku haya dhowr Eedaysane oo ku lug lahaa fal Dhaqan-Xumo ah oo lagula kacay Gabar Soomaaliyeed.

Sidaas darteed, haddii aad aragto ama hayso xog ku saabsan Eedaysanayaashaas, fadlan la wadaag Saldhigga Booliiska ee kuugu dhow ama kala xiriir Lambarka 991.

FB_IMG_1782121835874.jpgFB_IMG_1782121855860.jpg