๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ k๐š q๐ž๐ฒ๐› g๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š w๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š s๐š๐›๐จ๐จ๐ฅ๐ง๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka qeyb galay daah-furka shir heer sare ah oo lagu soo bandhigayay natiijooyinka Warbixinta Saboolnimada Carruurta Soomaaliyeed, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hayโ€™adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya (SNBS).

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka socday dowladda, hayโ€™adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha horumarinta iyo daryeelka bulshada.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo shirka ka hadlay, ayaa xusay in saboolnimada carruurta ay ka mid tahay caqabadaha waaweyn ee saameeya mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo xog sax ah oo lagu saleeyo qorsheynta iyo hirgelinta barnaamijyada lagu yareynayo nuglaanta carruurta.

Ugu danbeyn, Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta dowladda, hayโ€™adaha caalamiga ah iyo dhammaan daneeyayaasha si loo xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo nolosha carruurta Soomaaliyeed loona yareeyo saameynta saboolnimada iyo dhibaatooyinka baniโ€™aadannimo ee soo noqnoqda.