Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday Heshiis Is-faham ah oo xoojinaya Iskaashiga Daawada iyo Caafimaadka

Hay’adda Sharciyeynta Daawooyinka Qaranka ee Soomaaliya (NMRA) iyo dhiggeeda Masar ayaa Qaahira ku kala saxiixday Heshiis Isfaham ah (MoU), si loo xoojiyo Iskaashiga ku aaddan nidaaminta iyo qaybinta Daawooyinka, Bayoolojiga, iyo Aaladaha Caafimaadka, waxaana Xafladda saxiixa ka soo qaybgalay Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Adam, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Daawooyinka ee Masar, Dr. Cali Al-Ghamrawi, waxaana Isfahamkaasi saxiixay Guddoomiyaha Hay’adda Sharciyeynta Daawooyinka Qaranka ee Soomaaliya, Dr. Faarax Shiroy, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Daawooyinka ee Masar, Dr. Tamer Al-Husseini.

Qodobbada ugu muhiimsan ee Heshiiska waxaa ka mid ah:-Isweydaarsiga khibradda farsamada, macluumaadka, iyo la socodka Farmashiyaha, Horumarinta hufnaanta diiwaangelinta Qalabka Caafimaadka iyo hababka kormeerka, iyo Taageeridda barnaamijyada dhisidda awoodda iyo horumarinta Shaqaalaha Farsamada ee Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in Heshiiska uu higsanayo in la isticmaalo khibradda Masar, si loo horumariyo nidaamka sharciyeynta iyo daawada ee Soomaaliya, taasoo taageerta qorshayaasha dib-u-habeynta Caafimaadka iyo hagaajinta tayada adeegyada Caafimaadka ee muwaadiniinta, waxaana Munaasabadda saxiixa Goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Masar, Cali Cabdi Awari, Kaaliyaha Wasiirka Caafimaadka, Mudane Shaafi Cusmaan, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Xirfadaha Caafimaadka, Mudane Maxamed Maxamuud Cadow.