Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee ay qaaddo Wasaarada Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo ka socda Degmooyinka kala duwan ee Koonfur Galbeed.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, maamulka Wasaaradda Waxbarashada, Macallimiin iyo Marti Sharaf kale, iyadoo lagu bogaadiyey dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo fidinta Adeegyada Waxbarasho ee Deegaannada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ardayda u fariisanaysa Imtixaanaadka ku dhiirrigeliyey inay muujiyaan dadaalkooda iyo Aqoontii ay soo barteen muddadii Waxbarashada, isaga oo u rajeeyey guul iyo natiijooyin wanaagsan.

Hoggaamiye Shekh Aadan ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Dugsiyada, Macallimiinta iyo Waalidiinta doorka ay ka qaateen diyaarinta iyo hirgelinta Imtixaanaadka, isagoo xusay in Waxbarashadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee Horumarka Bulshada iyo dhismaha Mustaqbalka Jiilka soo koraya.

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa xaqiijisay inay sii xoojin doonto dadaallada lagu Horumarinayo Waxbarashada, korna loogu qaadayo tayada Adeegyada Waxbarasho si loo helo Jiil aqoon leh oo ka qayb qaata Horumarka iyo dib-u-dhiska Dalka.

Munaasabada daahfurka Imtixaanadka fasalka 8-aad Hogaamiye Shekh Aadan waxaa ku wehlinayey Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Goleyaasha kala duwan Dowladda Koonfur Galbeed oo ay ugu horeyso Wasiirka Waxbarashada iyo Marti sharaf kale.