Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan isugu jiray qado sharaf iyo is-xogwaraysi la qaatay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-tashiga, midnimada bulshada iyo doorka muhiimka ah ee ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin nabadda iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Shekh Aadan ayaa uga mahadceliyey odayaasha dhaqanka kaalinta muuqata ee ay ka qaateen qabsoonimada doorashada qof iyo cod, xalinta khilaafaadka, adkaynta nabadda iyo garab istaagga dowladnimada, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan dadaallada lagu mideynayo bulshada iyo horumarinta deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.
Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda Hoggaamiyaha la wadaagay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan xaaladaha ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay la shaqaynta dowladda si loo xaqiijiyo amni, xasillooni iyo horumar waara.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Mahad Maxamed Shekh, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Aadan Xasan Maxamed, Gudoomiye ku xigeenka 2-aad Marwo Shamsa Maxamed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.


