Baydhabo(Wargeyska Dalka);-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay Shir Amni oo lagu falanqeeyay xoojinta Amniga guud ee Deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Magaalada Baydhabo.
Shirka oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan, ayaa lagu soo bandhigay Warbixino ku saabsan xaaladda Amniga iyo qorshayaasha lagu adkeynayo Nabadgelyada.
Shirka ayaa lagu gaaray go’aanno ay ka mid yihiin in Askari aan xirneyn Dareeska Ciidanka uusan Qori ku dhex wadan karin Magaalada, in Gaadiidka Dagaalka aan lagu dhex wadi karin Magaalada haddii aysan ku jirin howlgal rasmi ah, iyo in la bilaabo howlgallo qorsheysan oo lagu furayo Waddooyinka Degmooyinka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta Hay’adaha Amniga iyo Bulshada, isagoo faray laamaha Amniga inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo Nabadgelyada iyo xasilloonida Deegaannada Maamulka. Shirka ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in la kordhiyo howlgalada Amniga iyo iskaashiga Shacabka si looga hortago falal amni daro in ay dhacaan.


