Taliyaha Taliska Tababarrada CXDS oo tababar dalka Rwanda ugu soo xiray Saraakiil Ciidan

Taliyaha Taliska Tababarada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Axmed Ciise Axmed, ayaa dalka Rwanda tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.

Saraakiishan ka socotay Ciidanka XDS ayaa ka qalin-jabisay Kulliyadda Abaanduulka Sare iyo Hoggaaminta ee Ciidanka Difaaca Dalka Rwanda.

Saraakiishan ayaa sidoo kale shahaadada heerka labaad ee Master Degree-ka ee dhanka Daraasaadka Amniga ka qaatay University of Rwanda.

Waxay soo barteen maamulka iyo hoggaaminta ciidanka, qorshaynta hawlgallada ballaaran ee wadajirka ah, iyo dejinta shaxda ay ku hawlgalaan ciidamada isku-dhafka ah ee ka kala socda dalal kala duwan.