Wasiirka Ganacsiga oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wafdi sare oo ganacsato ah oo ka socday dalka Talyaaniga.

Soo dhaweyntan waxaa qeyb ka ahaa ganacsato iyo mas’uuliyiin kale, waxaana booqashadan ay qayb ka tahay diyaar-garowga munaasabadda Somalia–Italy Business Week 2026, oo ah madal lagu xoojinayo xiriirka ganacsi, maalgashi iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madasha waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Ganacsiga, IBS Bank, PollLink Group iyo Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga.