Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Wasiirro heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee madaxtooyada Hirshabeelle, Aqalka Baarlamaanka, Xarunta Wasaaradda maaliyadda Hirshabeelle,Wasaaradda Waxbarashada iyo waddooyin dhawaan laga hirgeliyay magaalada Jowhar.

