Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub u jooga Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesco Di Mauro, kaas oo ka dhacay Xarunta Diplomaasiyiinta Midowga Yurub ee Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo taageerada dadaallada Dowladda ee kor loogu qaadayo wacyigelinta Bulshada.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada wacyigelinta Dadweynaha, la-dagaallanka marin habaabinta ah iyo xogaha been-abuurka ah iyo khataraha sii kordhaya ee ka dhasha isticmaalka khaldan ee Baraha Bulshada, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara Amniga, Xasilloonida iyo Wadajirka Bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Dowlad-dhiska, Horumarinta Warbaahinta, xasilinta, Dowlad wanaagga iyo kobcinta awoodda Hay’adaha Dowladda, isaga oo adkeeyay muhiimadda sii xoojinta iskaashiga ku aaddan Warbaahinta Casriga ah, Wacyigelinta Bulshada iyo Horumarinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesco Di Mauro, ayaa xaqiijisay sida Midowga Yurub uga go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya, gaar ahaan Horumarinta Warbaahinta masuulka ah, xoojinta adkeysiga Bulshada ee ka dhanka ah xogaha khaldan iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo Xasilloonida iyo Horumarka Dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo Wacyigelinta Bulshada waxaana laba dhinac isla qaateen xoojinta iskaashiga.