Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa S/Guuto Maxamed Maxamuud Xasan Garabay u Magacaabay Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kadib soo jeedin ka timid Taliyaha Ciidanka XDS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.
S/Guuto Maxamed Maxamuud Xasan Garabay ayaa horey u soo qabtay xilka U-Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, isagoo sidoo kale soo maray xilal kala duwan oo la xiriira taakuleynta iyo Maamulka saadka Ciidanka XDS.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda Maamulka, taakuleynta iyo diyaar-garowga Ciidanka XDS, si loo hubiyo in Ciidamada ay helaan taageero iyo sahay joogto ah oo ka jawaabta baahiyaha hawlgallada Amniga iyo difaaca Qaranka.

