Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Monrovia ee dalka Liberia kaga qeyb galay Shir-Madaxeedkii 22aad ee Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee Afrikada ku hadasha Ingiriiska (𝐀𝐅𝐑𝐎𝐒𝐀𝐈-𝐄), kaas oo ay kasoo qeybgaleen Hantidhowrayaasha Guud, wafdiyo ka socday Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee xubnaha ka ah 𝐀𝐅𝐑𝐎𝐒𝐀𝐈-𝐄 iyo saaxiibbada bah-wadaagta caalamiga ah.
Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha farsamo, fursadaha iskaashiga iyo isdhaafsiga khibradaha ee ay yeesheen Hay’adaha Hantidhowrka Guud iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah.
Shirkan ayaa lagu falanqeeyey mowduucyo la xiriira xoojinta tayada baarista, adeegsiga falanqeynta xogta casriga ah (Data Analytics) iyo baarista deymaha dowladda, si loo taageero isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo joogteynta maaliyadeed.
Ka qeybgalka shirkan ayaa XHGS u ahaa fursad lagu xoojinayo iskaashiga xirfadeed, isdhaafsiga khibradaha iyo la socodka hababka casriga ah ee la xiriira shaqada Hay’adaha Hantidhowrka Guud.


