Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryam Qaasim oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maxamed Haaruun , Agaasimaha guud ee Guddiga Mustafe Axmed iyo Xubnaha kale ee Guddiga .
Kullan gaar ah oo labada dhinac dhexmaray ayaa looga hadlay wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Boliiska iyo Guddiga ,gaar ahaan dhinacyada ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, isla-xisaabtanka, qabashada cabashooyinka, kormeeridda Xaaladaha Xabsiyada iyo Goobaha Dadka lagu hayo, si loo xoojiyo ilaalinta xuquuqda Muwaaddiniinta iyadoo la dhowrayo Xuquuqda Aadanaha iyo ku dhaqanka Sharciga


