Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Maanta Tababar u furay qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, iyadoo diiradda lagu saarayo Shuruucda iyo Habraacyada ay ku shaqeyn doonaan Xubnaha Golaha Deegaanka.
Munaasabadda furitaanka Tababarka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS,Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo Tababarka furay ayaa sheegay in qeybta koowaad ee Tababarka lagu baranayo Sharciyada ay ku shaqeynayaan Xubnaha Golaha Deegaanka iyo kuwa Ururrada Siyaasadda, kuwaasi oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada XFS.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ka bilowday Degmada Shangaani ay hadda gaareen Deegaanada Koonfur Galbeed, isla markaana qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dhammaan Dowlad-Goboleedyada Dalka.
“Iftiinkii ka bilowday Degmada Shangaani ee Doorashooyinka Qof iyo Codka waxa ay hadda marayaan Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Xoosh, oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ay Bisha soo socota dooran doonaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Dr, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in tallaabo Horumar leh ay tahay in Maanta Tababar loo furo Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo dhowaan ay doorteen Shacabka Muqdisho.
“Waa talaabo hore loo qaaday in Maanta Tababar loo furo Golihii Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhowaan Shacabku doorteen.”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab


