Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid Al- Abdallah iyo madaxda Bisha Cas ee Qatar ayaa si wadajir ah u daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H ee Bisha Cas Qatar.
Mashruucan ayaa waxaa ka faa’iideysan doona 52,800 qof oo kamid ah barakacayaasha nugul ee gobolka Banaadir.
Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in hay’addu ay xaqiijin doonto gaarsiinta iyo qaybinta udxiyada dhammaan maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir si ay uga faa’iideystaan dadka nugul ee ku barakacay magaalooyinka.
Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar, Raashid Al-Abdallah, iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar Dr. Fatih Zaki ayaa bogaadiyay dadaallada Hay’adda SoDMA ee xaqiijinta in gargaarku gaaro dadka mudnaanta gaarka ah leh.
Waxa ay sidoo kale ballan qaadeen inay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeysa SoDMA iyo kooxaheeda howlaha gargaarka iyo mashaariicda bani’aadannimo.

