Mina-Saudi Arabia-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay Mina, halkaas oo ay ku gudan doonaa qaybo ka mida acmaashooda Xajka.
Teendhooyinka oo si casri ah loo diyaariyay kana duwan kuwii horeayuu Wasiirku ku bogaadiyay Shirkaddii dhistay iyo Xafiiska Arrimaha Xajka Soomaaliya.
Yuusuf Xasan oo ah Afhayeenka Wasaaradda ayaa sheegay in Wasiirku uu kormeer ku tagay deegaanka Mina, isagoo u kuurgalay Goobaha ay Xujeydu seexan lahaayeen, Goobaha Caafimaadka, qaybaha Weysada, Suuliyada iyo hubinta habsami u socodka howlaha fududeynta adeegyada ay u baahan yihiin Xujeyda.
Xujeyda Sanadkan gudanaysa acmaashooda kheyriga ah ayaa gaaraysa 11,6015, iyadoo ay Wasaaradda Awqaaftuna diyaarisay adeegyo tayo leh, iyagoo Madaxda Soomaaliyeedna ay joogtayn doonaan kormeerkooda si ay ugu jawaabaan baahiyaha soo wajaha Xujeyda.

