Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray olole qalliimo Wadnaha ah oo loo sameynayo 11 Carruur ah oo la ildaran Xanuunnada Wadnaha.
Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ololahan Caafimaad ay ka faa’iideysan doonaan 11 Carruur ah oo u baahan qalliimo wadnaha, iyadoo kharashaadka ku baxaya uu bixinayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
“Waxaan Maanta daahfurnay Olole qalliimo Wadnaha ah oo loo sameynayo 11 Carruur ah,” ayuu yiri Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir.
Dhanka kale, Xoghayaha Gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu kafaala-qaaday daaweynta Carruurtan maraya qalliinnada Wadnaha.
“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kafaala-qaaday daaweynta 11-kan Carruurta ah ee maraya qalliinnada Wadnaha,” ayay tiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud.

