Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Xeryaha Ciidamada ee Magaalada Baydhabo

Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Baydhabo, Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kormeerka Taliyaha waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliye Ku-xigeenka Qeybta 60-aad ee Ciidanka XDS, Korneyl Feysal, iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada.
Intii uu ku sugnaa Xeryaha Ciidamada, Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro ayaa u kuurgalay xaaladda Ciidamada, howlaha ay Qaranka u hayaan iyo heerka u diyaargarowgooda difaaca Dalka.
Taliyaha ayaa Ciidamada kula dardaarmay inay laba jibbaaraan waajibaadka ka saaran difaaca Dalka iyo ilaalinta Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda feejignaanta iyo adkeynta Amniga guud ee Deegaannada ay joogaan.

Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay dadaalka iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan sugidda Amniga iyo la dagaallanka Kooxaha Khawaarijta.

Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro ayaa maalmahan howlo shaqo u joogay Gobolka Bay, halkaasi oo uu kulamo iyo kormeerro kala duwan kula yeeshay Saraakiisha iyo Cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.