Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay howlgallo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday kooxo isugu jira Khawaarij iyo nabad-diid oo ku sugnaa duleedka Baydhabo.

Warka ayaa lagu yiri”Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo shalay subax ay kooxo nabad-diid ah iyo khawaarij wada socday ay kusoo qaadeen ciidan ku howlanaa sugidda amniga, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Howlgalka ayaa lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Khawaarijta Al-Shabaab iyo malleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay, Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen malleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al-Shabaab.

Sheegashada weerarka ee Khawaarijta ayaa muujinaysa in malleeshiyaadkaas ay noqdeen garab u adeegaya argagixisada, isla markaana khatar ku ah amniga Qaranka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS waxay tacsi u direysaa ehellada, qoysaska iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen geesiyaashii naftooda u huray difaaca Qaranka intii uu socday weerarkii shalay.

Dowladdu waxay xaqiijineysaa in aysan marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo hub ama malleeshiyaad u adeegsata dano siyaasadeed, carqaladeynta amniga iyo in cid kasta oo gacan siisa Khawaarijta ama u noqota weji ay ku dhuuntaan laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.