Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane, Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-26).
Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah ayaa sanadkan ka dhacaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Shirweynaha sanadkan ayuu halku-dhiggiisu yahay “Hagidda Xudduudaha Dhijitaalka ah”, iyadoo diiradda la saarayo waddooyinka nidaaminta ee lagu gaari karo mustaqbal dhijitaal oo adkaysi leh oo loo dhan yahay.
Maareeyaha ayaa ayaa intii lagu guda jiray madasha ka qeyb galay dood-cilmiyeed heer sare ah oo ay isugu yimaadeen Madaxda Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (Heads of Regulators’ Executive Roundtable), kaas oo ay madaxda hay’adahu kaga wada hadlayeen mudnaanta iyo caqabadaha waaweyn ee horyaalla qeybta dhijitaalka ah ee caalamka.
Kulanka ayaa loogu dooday horumarinta shuruucda isgaarsiinta ee ku dhisan habab tijaabo ah, waxaana ka qeyb galay madax ka socotay dalalka Koonfur Afrika, Poland, Sacuudi Carabiya iyo wakiil ka socday Golaha Dhaqaalaha Adduunka.
Maareeyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay shuruudaha lagama maarmaanka u ah hirgelinta nidaamyada tijaabada xeer-nidaaminta, iskaashiga heer gobol ee adeegyada ka gudba xudduudaha sida internet-ka, dayax-gacmeedka, adeegyada maaliyadeed ee dhijitaalka ah iyo muhiimadda ay leedahay.

