Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Magaalada Kampala ee Dalka Uganda kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Injineer Waleed bin Abdulkarim Al-Khereiji, si ay uga wada hadlaan xiriirka Walaaltinimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha Gobolka, Amniga Badda, saamaynta ay carqaladaha ka jira Marin-Biyoodka Hormuz ku leeyihiin Dalalka nugul ee ku tiirsan Ganacsiga, iyo sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga dhinacyada la dagaallanka Argagixisada, Ganacsiga, iyo Iskaashiga Dhaqaale.



