Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar

Qaahira: Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane Ismaaciil Mukhtaar Cumar “Orojo”, ayaa Soomaaliya ku metelay Madasha Sare ee Koonfurta Adduunka ee Warbaahinta iyo Hay’adaha Fikradda, oo maanta ka furantay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madashan oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua iyo Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare, diblomaasiyiin, khubaro warbaahineed iyo wakiillo ka socday dalalka Carabta iyo Shiinaha.

Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Aboul Gheit, Madaxweynaha Wakaaladda Wararka Xinhua Fu Hua, Safiirka Shiinaha ee Masar Liao Liqiang, iyo marti sharaf kale.

Ka qeybgalka Agaasime Oronjo ayaa muujinaya dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta doorkeeda warbaahineed ee caalamiga ah iyo ka mid noqoshada doodaha la xiriira horumarinta warbaahinta Koonfurta Adduunka.

Sidoo kale, madashan ayaa diiradda lagu saarayay hal-abuurka dijitaalka ah, isbeddellada tiknoolajiyadda saxaafadda, iyo sidii loo dhisi lahaa iskaashi warbaahineed oo casri ah. Dowladda Soomaaliya ayaa madasha ka faa’iideysaneysa is dhaafsiga khibradaha farsamo iyo xoojinta xiriirrada xirfadeed ee kor u qaadaya tayeynta warbaahinta qaranka.

Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay nuqulka afka Carabiga ee buugga “Maamulka Shiinaha”, iyadoo la falanqeeyay warbixino ku saabsan fursadaha iskaashiga Carabta iyo Shiinaha, gaar ahaan doorka warbaahinta ee la tacaalidda caqabadaha caalamiga ah iyo dhiirrigelinta dheelitirka warbaahinta caalamka.