Muqdisho, Maajo 12, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo uu weheliyo Danjiraha Dowladda Qatar Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Keydka Daawada ee Gobolka Banaadir, taas oo loo dhisay si loo xoojiyo adeegyada Caafimaadka loona hagaajiyo nidaamka kaydinta iyo qaybinta Dawooyinka ee Caasimadda Muqdisho.
Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, oo ugu horreyn ka hadlay Munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa waxa uu sheegay in ay Xaruntani si weyn u fududeyn doonto helitaanka Daawooyin tayo leh oo si hufan loo gaarsiiyo Xarumaha Caafimaadka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Dr Muungaab ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Samafalka Qatar iyo Dowladda Qatar taageeradooda joogtada ah iyo doorka muuqda ee ay ka qaateen hirgelinta Mashruucan muhiimka ah, isagoo xusay in Xaruntani ay ka mid tahay tiirarka lagu horumarinayo adeegyada Caafimaadka ee Bulshada Caasimadda.
Sidoo kale, Danjiraha Dowladda Qatar, Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi, oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Qatar ay sii wadi doonto taageerada istiraatiijiga ah ee ay ku bixiso mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa diiradda saaraya adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada. Waxa uu xusay in iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada Dal uu yahay mid saldhig u ah horumar waara, kobcinta adeegyada Bulshada, iyo dhismaha kaabeyaasha Nolosha ee Shacabka Soomaaliyeed.













