Wafdi uu Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamul Goboleedka Hir-Shabeele

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wafdi Ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, kana kooban masuuliyiin heerar kala duwan ah, ayaa Maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Xaasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wafdigan waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay Magaalada.

Ujeeddada Wafdigan ayaa ah ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Caafimaadka Dalka oo si rasmi ah berri uga furmi doona Magaalada Jowhar. Shirkan ayaa lagu falanqeyn doonaa Arrimo muhiim u ah Horumarinta Adeegyada Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale, Shirkan waxaa diiradda lagu saari doonaa tayeynta Adeegyada Caafimaadka Bulshada, dardargelinta qorshayaasha Caafimaadka Qaranka, iyo sidii Shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Adeegyo Caafimaad oo tayo leh isla markaana loo wada siman yahay.
Inta uu Shirku socdo, Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka doodi doona Caqabadaha ka jira Caafimaadka Dalka, qorsheyaasha cusub ee lagu horumarinayo Adeegyada Aas-aasiga ah, iyo kor u qaadista Caafimaadka Guud ee Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa in Shirka laga soo saaro go’aanno iyo talooyin muhiim ah oo wax weyn ka tari doona horumarinta nidaamka Caafimaadka Dalka iyo tayeynta Adeegyada loo fidiyo Shacabka Soomaaliyeed.