Kumannaan qof oo Shacabka ah oo ku nool Deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Shalay u dareeray Goobaha Codbixinta Doorashada Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka, waxayna Doorashooyinkan ay ka qabsoomeen 13 Degmo oo ka kala tirsan Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Doorashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Dalka, iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan uu Magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daah-furay Goobaha Codbixinta Doorashooyinka isku sidkan ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Markii ay inta badan Goobihii Codeynta Degmooyinka Koonfur Galbeed ay soo gabagaboobeen, ayaa durbadiiba waxaa la bilaabay tirinta Cododka, waxayna Tirinta Codadku u socotaa si daah furan, iyadoo Goob walba ay ku sugan yihiin Wakiillo ka socda Ururrada Doorashada Qof iyo Codka ah ee ku tartamayaan, waxaana Warqad walba ee lagu codeeyay la tusayo Wakiillada, marka Sanduuqa laga soo bixiyo, si ay u ogaadaan codkaas cida ku guuleysatay.

Wararka la helayo Goobaha Tirinta codadka ay ka socoto ayaa tibaaxaya in ay socon doontaa Tirinta Cododka ilaa Maanta gelinka dambe, waxaana natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo 24 saac kadib xiliga Doorashada la soo gabagabeeyo, waxaana uu ugu dambeyntii Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan Faahfaahin ka bixiyay Doorsahada Shalay ka dhacday Deegaanada kala duwan ee Koonfur Galbeed, wuxuuna caddeeyay in Shacabka ku nool 13-ka Degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay Shalay Aroortii u dareereen in ay Codkooda ka dhiibtaan Doorashooyinka tooska ah.
” Walaalayaal Maanta oo Bishu May tahay 10 2026, Maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka dhacay Doorashooyinkii Isa-saarnaa oo waqti badan la sugayay, Saakay marka ay noo ahayd 6-dii Subaxnimo Goobaha Doorashada furmeyn, waxayna xirmeyn 6-da Maqribnimo, codeynta waa soo idlaadeen marka hal goob laga reebo, waxaanna socota Tirinta Cododka, waa Alle mahaddiis seddex Gobol oo Maamulka Koonfur Galbeed ka kooban yahay ( Shabeellaha hoose, Baay & Bakool), in ay Maanta ka dhacday Doorasho Isa-saaran oo Golaha Wakiillada ah, 60-sanno ku dhowaad kama dhicin Doorasho noocaan oo kale,”.
Guddoomiyaha,ayaa sheegay in Shacabka iyaga oo cidna ka cabsaneyn Safaf dhaadheer u galeen codeynta Doorashada, xitaa waxaa qeyb ka ahaa Dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo u adkeysanayay Cadceedda, si ay u doortaan mas’uuliyiintooda. Hay’adaha Amniga ayuu ku bogaadiyay sida hufan ee ay u sugeen Amniga Goobaha Doorashooyinka ka dhacayeen iyo Dadka ka qeyb galayay, wuxuunna ku tilmaamay Geesiyaal u taagan difaaca Dalka iyo Dadka Soomaaliya, ugu dambeyntii waxa uu hoosta ka xariiqay in Doorashada Koonfur Galbeed ka dib, u jiheysanayaan Maamullada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, halkaas oo ay ka qabanayaan Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ujeedkeedu yahay in Shacabka Tallada loo dhoweeyo.

Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay sameyneyso Horumar la taaban karo, iyada oo Dowladdu ay xoogga saartay dib-u-dhiska Hay’adaha, xoojinta Amniga, Horumarinta Dhaqaalaha, ballaarinta Adeegyada Bulshada iyo dardargelinta hannaan Dimuqraadiyadeed loo dhan yahay, wuxuuna xusay in Dowladda Soomaaliya ay qorshaynaso in Dalka laga hirgaliyo Doorashooyin Qof iyo Cod ah, si Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan Hoggaankooda, isaga oo tilmaamay in Madaxda Dowladda ay ka go’antahay Wadatashi iyo is-Afgarad lagu xoojinayo Amniga iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Xamsa ayaa hadlkaasi a jeediyay Munaasabadda Xuska Maalinta Yurub (Europe Day) ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub iyo Dowladaha Xubnaha ka ah doorkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya.
“ 13-degmo oo ka ka mid ah Dowlad Gobolleedkaas ayaa Saakay waxay u dhaqaaqeen in ay Codkooda dhiibtaan oo ay doortaan Dowladaha Hoose iyo Koonsalada Degmooyinka iyo Wakiillada Dowlad Goboleedka intaba, waxaa Illaah mahaddii ah saacaddan aan idin la hadlayo oo Maalintii ay gebo-gebo joogto in wax dhibaato ah iyo wax culeysyo ah ama dhib ah oo dhacay aanay jirin, Dadkana ilaa Saakay Safaf dhaadheer u taagan yihiin in ay Codkooda dhiibtaan, Dad Waayeel, Dad baahiyo gaarka ah qabo iyo Dhallinyaro ay taagan yihiin oo ay Codkooda dhiibanayaan,’’, sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay Doorashooyinka Qofka iyo Codka ah ee Shalay looga dareeray Deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo cabiraya ra’yigooda iyo cidda ay rabbaan in ay Hoggaamiso, wuxuuna Hambalyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka ku nool Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed oo Taariikh iyo bog cusub u furay Soomaaliya, wuxuuna Khudbad uu jeediyay ku soo hadal qaaday Magaalada Muqdisho iyo Bannaanbaxyada rabshadaha watay ee Siyaasiyiinta qaar ku Owr-kacsanayeen Shacabka, isagoo Madaxweynaha Su’aal geliyay sababta Bannaanbaxa loogu soo aaddiyay, iyadoo meelo ka mid ah Dalka ay ka dhacayaan Doorashooyin toos ah iyo sababta loogu soo beegay iyadoo Dowladda Federaalka ay ku baaqday Shir hordhac ah oo wada-xaajood ah in la isugu yimaado.
“Waxaan Hambalyo iyo boggaadin aan la soo koobi karin u dirayaa Shacabka Sharafta badan ee Degmooyinka Koonfur Galbeed ee sida Nabdoon Maanta Codkooda u dhiibtay si ay usoo doortaan Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada. In Shacabka doortaan Wakiiladooda waa Xuquuq Dastuuri ah oo ay muddo dheer kadib dib u heleen iyo riyo xaqiiqowday”, sidaasina waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Riisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shalay Dadweynaha reer Koonfur Galbeed waxay u tahay Maalin togan, oo ku suntan Taariikhdooda Dowladnimada. Doorasho Qof iyo Cod ah, oo halmar ka dhacday 13 Degmo oo ka kala tirsan 3 Gobol ee kala ah:- Baay, Bakol iyo Shabeelada Hoose, si Nabad ahna ku soo idlaata waa arrin mudan boggaadin, waxaana la tilmaammayaa Goobihii Shalay laga codeeyay ayaa waxaa laga xusi karaa, magaalooyinka Baydhabo, Xudur, Waajid, Ceelbarde, Marko, Baraawe, Afgooye, Buur-Hakaba, Wanlaweyn, Awdheegle, Bardaale, Diinsoor iyo Qansaxdheere.
By. C/laahi Ruush

