Madaxweynaha JFS oo dhambaal u diray dhigiisa Dalka Ciraaq

Ku-simaha Safiirka  Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Ciraaq, Danjire Cabdifataax Sheekh Axmed ayaa Maanta ku guddoonsiiyey Qasriga Al-Salaam ee Magaalada Baqdaad Dhambaal Hambalyo ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhigiisa Madaxweyne Mudane Nizar Aamidi, taas oo ku aaddan Munaasabadda uu xilka kula wareegay, isaga oo u rajeeyay Guul iyo Towfiiq gudashada Waajibaadkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dhambaalkiisa ku bogaadiyay qoto dheerida xiriirka Walaaltinimo ee ka dhexeeya labada Dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay rajada ay Soomaaliya ka qabto in la isku waafajiyo mowqifyada ku aaddan Arrimaha danaha wadaagga ah, si loo taageero xasilloonida Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa Danjiraha u sii dhiibay Salaan iyo mahadcelin uu u dirayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo uga mahadcelinaya Hambalyada iyo dareenka Walaaltinimo.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay sida ay Dowladda Ciraaq uga go’an tahay horumarinta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo ballaarinta iskaashiga Wadajirka ah, si loo gaaro danaha labada dal loona xoojiyo xiriirka labada Shacab ee Walaalaha ah.