Muqdisho,Soomaaliya,05 May 2026:— Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay faafinta Warar aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah iyo eedeymo oo lagu baahiyay qaar ka mid ah Warbaahinta iyo Baraha Bulshada, kuwaas oo sheegaya in la gaaray go’aan lagu eryayo Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.
Wasaaraddu si adag ayay u beeninaysaa sheegashooyinkan, waxayna ugu baaqaysaa dhammaan Hay’adaha Warbaahinta iyo isticmaalayaasha Baraha Bulshada inay muujiyaan saxnaan, xirfadnimo, iyo mas’uuliyad, isla markaana ay ku tiirsanaadaan xogaha rasmiga ah marka ay faafinayaan Wararka.
Sidoo kale, waxay ka digaysaa faafinta Warar khaldan oo lagu wiiqayo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Dalalka Carabta.

