35-Suxufi oo tababar loogu soo gebo-gebeeyay Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo xirtay tababar socday laba maalmood oo ku saabsanaa ka hortagga tebinta hadallada naceybka ah xilliyada doorashooyinka, kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Tababarkan waxaa ka qeyb galay 35 suxufi oo ka kala socday 21 hay’ado warbaahineed, kuwaas oo isugu jiray warbaahinta Qaranka iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Ujeeddada tababarka ayaa ahayd xoojinta doorka warbaahinta ee tebinta doorashooyin hufan, kor u qaadista xirfadaha suxufiyiinta ee la tacaalidda hadallada naceybka ah, iyo taageerida nabadda iyo xasilloonida dalka.

Intii uu socday tababarku, ka qeybgalayaashu waxay heleen aqoon ku saabsan anshaxa warbaahinta xilliyada doorashooyinka, xaqiijinta xogta, ka hortagga faafinta wararka been abuurka ah, iyo mas’uuliyadda saxaafadda ee ilaalinta wadajirka bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka, isagoo ku booriyay suxufiyiinta inay si masuuliyad leh uga shaqeeyaan tabinta doorashooyinka, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho bulsho ama kicin kara xiisado.

“Warbaahintu waxay leedahay door muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta nabadda iyo mideynta bulshada, gaar ahaan xilliyada doorashooyinka. Waxaa lagama maarmaan ah in la hubiyo in fariimaha la gudbinayo ay noqdaan kuwo xaqiiqo ku dhisan, dhexdhexaad ah, isla markaana aan waxyeello u geysan wada noolaanshaha bulshada,” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Gabagabadii tababarka, waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay dhammaan ka qeybgalayaashii, si loo dhiirrigeliyo dadaalkooda iyo ka qeyb qaadashadooda horumarinta saxaafadda mas’uulka ah.

Tababarkan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo door muhiim ah ka qaata horumarinta awoodda weriyayaasha, warbaahinta iyo xoojinta wacyigelinta bulshada.